Guddoomiye Ku-xigeenkii Degmada Baardheere oo Xilkii Laga Qaaday – Radio Simba 95.0 MHZ – Simbanews – Idaacada Simba


Maamulka Jubbaland ayaa lagu eedeeyey in uu lug ku leeyahay Abaabulka Dagaalka Liyuu Boolis iyo Shacabka Caabuqwaaq.

Cali Axmed Maxamed oo kamid ah dadka deegaanka Boorana-cad oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho, ayaa sheegay in Maamulka Jubbland uu hurinaayo dagaalka cidamadda Liyuu booliska kusoo qaadeen Gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay Cali Axmed in mid kamid ah beelaha Gobolka Galgaduud ay Jubbland ku taageerayso Hubka noocyadiisa kala duwan,taasina cadeyn loo hayo sida uu yiri.

Waxa uu ugu baaqay Dowladda Dhexe in ay arintaan ka hadasho,islamarkaana Jubbaland ka hor istaagto sida uu yiri.

https://www.simbanews.net/wp-content/uploads/2019/12/Cod-Cali-Axmed-Maxamed-Dagaalka-Liyuu-Boolis-iyo-Shacabka-Gobalka-Galgaduud-1.mp3